Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka lix kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, kaddib markii uu dumay dhisme uu shaqadiisu ka socotay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal  ayaa sheegay in birihii shubka ee lagu dhisayey guriga ay go’een, taasi oo keentay in dhismuhu si lama filaan ah u dumay, iyada oo ay shaqaale badan ku sugnaayeen gudaha guriga xilligaas.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in xaaladoodu ay tahay mid aad u daran, maadaama ay ku hoos jireen burburka dhismaha muddo dheer.

Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa halista ka jirta tayada liidata ee dhismayaasha laga wado magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin hay’ad dowladeed ama maamul deegaanka ah oo si dhab ah u kormeera ama u qiimeya amniga iyo tayada dhismayaasha.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee dhisme ku dumay magaalada, waxaana horey u dhacay shilal la mid ah kuwan oo kale, iyagoona sababay khasaare naf iyo maalba leh.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles