Shirka Golaha Wasiirrada oo Lagu Lafaguray Amniga iyo Xasilinta Dalka

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amniga guud ee dalka, iyadoo la isku waafaqay xoojinta iskaashiga iyo isu-dubaridka hay’adaha amniga si loo dardargeliyo sugidda xasiloonida.

Sidoo kale, Golaha ayaa ka dooday muhiimadda doorka ay bulshada ku leedahay sugidda nabadda iyo wadashaqeynta laamaha ammaanka.

Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray diyaar-garowga munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo imtixaanaadka shahaadiga ah ee soo socda, iyadoo la adkeynayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga ardayda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa si weyn u bogaadiyay guusha taariikhiga ah ee ay Soomaaliya ku gaartay ka mid noqoshada Hey’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta Magaalooyinka iyo Deegaanka (UN-HABITAT), taasoo loo arko mid muujineysa kalsoonida caalamka ee dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles