Wednesday, April 29, 2026

Falastiiniyiin lagu dilay xarun gargaar oo baadhitaan lagu samaynayo

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in baadhitaan madax bannaan lagu sameeyo Falastiiniyiin lagu laayay meel u dhow xarun gargaar oo ku taalla Gaza, , iyadoo ay jiraan warar lagu muransan yahay oo sheegaya in ciidammada Israa’iil ay rasaas ku fureen dad sugayay in ay gargaar helaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dadkaasi la toogtay xilli ay cunto ka sugayeen xarunta Rafah oo ay maamusho Hay’adda Bani’aadantinimada Gaza ee Mareykanka iyo Israa’iil ee GHF.

Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in cisbitaalkeeda la geeyay 179 dhaawac ah, oo 21 ka mid ah ay dhinteen. Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee ay Xamaas maamusho ayaa ku sheegtay dhimashada 31 qof.

Militariga Israa’iil ayaa beeniyay in ciidammadoodu ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo goobta ka dhawaa ama ku sugnaa, waxayna sheegeen in wararka arrintan la xidhiidha ay yihiin kuwo been abuur ah.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles