MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay hoggaanka ururada Siyaasadeed ee isku diiwaan geliyay doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Kulankan oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.

Dhankooda, hoggaanka ururrada siyaasadeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles