Wednesday, July 2, 2025

Guddoomiye Mungaab oo boqolaal dadweyne ah salaada Ciida kula tukaday degmada Gubadleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho . Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa boqolaal shacab ah, Mas’uuliyiin, Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin iyo Guddoomiyeyaal Degmo Salaada Ciidul Adxaa kula tukaday Duleedka Degmada Gubadleey ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Salaada Ciida kadib khudbad uu ujeediyay bulshada ugu baaqay in la is gar-gaaro, lana garab siiyo bulshada kuwooda nugul, lalana shaqeeyo laamaha amniga, isla markaana loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Duqa Muqdisho ayaa bulshada ugu baaqay in loo dareero isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qofka iyo codka, si ay usoo doortaan hogaan ay kula xisaabtami karaan mas’uuliyadda ay u dhiibtaan, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dimuqraadiyeynta dalka ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

 

WARARKII KALE

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta oo Banaanbax ka dhigaya Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Waxaa maanta isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada...

DF oo war ka soo saartay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallin...

Diyaarad Milateri oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Dhawaqa xooggan ee laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa...

MW Xasan Sheekh “Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi...

Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa

Israa’iil ayaa oggolaatay “shuruudaha lagama maarmaanka ah” si loo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles