Wednesday, June 24, 2026

Dagaal xooggan oo ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo deegaanka Ceel Hareeri ee Gobolka Hiiaan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

 Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii ciidanka Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen kooxo katirsan Al-shabaab oo la sheegay inay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Ceel Hareeri, Sida ay wararku sheegayaan.

Dagaalka ayaa ah mid xooggan oo labada dhinacba ay isku adeegsanayaan hub culus, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaanno ka fog goobta lagu dagaallamayo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya  inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, maadaama uu dagaalku wali socdo.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta si weyn looga ciidayo guud ahaan dalka, gaar ahaan munaasabadda Ciidul Adxaa, hase yeeshee dadka deegaanka Ceel Hareeri ayaa ciiddooda ku waabariistay rasaas iyo dagaal ay ku doonayaan in ay isaga xoreeyaan Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa haatan noqday meesha kaliya ee uu si rasmi ah uga socdo dagaal toos ah oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana hoggaanka dagaalkaasi sida muuqata sii wada ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan, iyagoo aan helin garab muuqda oo ka yimaada dowladda federaalka ama beelaha kale ee deriska la ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles