Dagaal xooggan oo ka socda Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo deegaanka Ceel Hareeri ee Gobolka Hiiaan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, sida uu Risaala u sheegay Abuukar Jimcaale Tooxow oo ka mid ah saraakiisha ciidamada.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii ciidanka Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen kooxo katirsan Al-shabaab oo la sheegay inay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Ceel Hareeri, Sida ay wararku sheegayaan.

Dagaalka ayaa ah mid xooggan oo labada dhinacba ay isku adeegsanayaan hub culus, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaanno ka fog goobta lagu dagaallamayo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, maadaama uu dagaalku wali socdo.

Dagaalka xoogeysa waxaa uu ka socdaa inta u dhexeysa deegaanada Tawakal iyo Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta si weyn looga ciidayo guud ahaan dalka, gaar ahaan munaasabadda Ciidul Adxaa, hase yeeshee dadka deegaanka Ceel Hareeri ayaa ciiddooda ku waabariistay rasaas iyo dagaal ay ku doonayaan in ay isaga xoreeyaan Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa haatan noqday meesha kaliya ee uu si rasmi ah uga socdo dagaal toos ah oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana hoggaanka dagaalkaasi sida muuqata sii wada ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan, iyagoo aan helin garab muuqda oo ka yimaada dowladda federaalka ama beelaha kale ee deriska la ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles