Wednesday, April 29, 2026

Dagaal xooggan oo ka socda Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo deegaanka Ceel Hareeri ee Gobolka Hiiaan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, sida uu Risaala u sheegay Abuukar Jimcaale Tooxow oo ka mid ah saraakiisha ciidamada.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii ciidanka Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen kooxo katirsan Al-shabaab oo la sheegay inay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Ceel Hareeri, Sida ay wararku sheegayaan.

Dagaalka ayaa ah mid xooggan oo labada dhinacba ay isku adeegsanayaan hub culus, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaanno ka fog goobta lagu dagaallamayo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, maadaama uu dagaalku wali socdo.

Dagaalka xoogeysa waxaa uu ka socdaa inta u dhexeysa deegaanada Tawakal iyo Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta si weyn looga ciidayo guud ahaan dalka, gaar ahaan munaasabadda Ciidul Adxaa, hase yeeshee dadka deegaanka Ceel Hareeri ayaa ciiddooda ku waabariistay rasaas iyo dagaal ay ku doonayaan in ay isaga xoreeyaan Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa haatan noqday meesha kaliya ee uu si rasmi ah uga socdo dagaal toos ah oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana hoggaanka dagaalkaasi sida muuqata sii wada ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan, iyagoo aan helin garab muuqda oo ka yimaada dowladda federaalka ama beelaha kale ee deriska la ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles