Tuesday, August 18, 2026

Rabshado xoogan oo ka socda Los Angeles & Trump oo diray kumanaan askari

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in 2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka loo diro magaalada Los Angeles si loo joojiyo rabshadaha iyo bannaanbaxyada ka dhashay howlgallada socdaalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Trump ku sheegay in ciidamadan ay ilaalin doonaan shaqaalaha dawladda (Waaxda socdaalka) iyo goobaha dawladda ee ay bannaanbaxyadu ka socdaan ama laga filayo inay ka dhacaan.

Wuxuu ku tilmaamay bannaanbaxyada caraysan ee la xiriira arrimaha socdaalka, haddii ay caqabad ku noqdaan fulinta sharciga, inay yihiin “nooc ka mid ah kacdoon dawladda lagula dagaalamayo.”

Wuxuu xusay in ciidamadan ay hawsha ku jiri doonaan muddo 60 maalmood ah, ama inta uu Xoghayaha Difaacu u arko in loo baahdo. Sidoo kale, wuxuu ogolaaday in ciidamo kale oo ka tirsan milatariga joogtada ah la adeegsan karo haddii loo baahdo si loo qabqabto dadka sharci darrada ku jooga dalkiisa.

Dhinaca kale Trump, ayaa fashil ku tilmaamay maamulka magaalada Los Angeles kuwaas oo ku eedeeyay inay ku fashilmeen inay xakameeyaan bannaanbaxyada socda labada cisho; Trump ayaa sheegay inay dawladda dhexe la wareegayso masuuliyadaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles