Rabshado xoogan oo ka socda Los Angeles & Trump oo diray kumanaan askari

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in 2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka loo diro magaalada Los Angeles si loo joojiyo rabshadaha iyo bannaanbaxyada ka dhashay howlgallada socdaalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Trump ku sheegay in ciidamadan ay ilaalin doonaan shaqaalaha dawladda (Waaxda socdaalka) iyo goobaha dawladda ee ay bannaanbaxyadu ka socdaan ama laga filayo inay ka dhacaan.

Wuxuu ku tilmaamay bannaanbaxyada caraysan ee la xiriira arrimaha socdaalka, haddii ay caqabad ku noqdaan fulinta sharciga, inay yihiin “nooc ka mid ah kacdoon dawladda lagula dagaalamayo.”

Wuxuu xusay in ciidamadan ay hawsha ku jiri doonaan muddo 60 maalmood ah, ama inta uu Xoghayaha Difaacu u arko in loo baahdo. Sidoo kale, wuxuu ogolaaday in ciidamo kale oo ka tirsan milatariga joogtada ah la adeegsan karo haddii loo baahdo si loo qabqabto dadka sharci darrada ku jooga dalkiisa.

Dhinaca kale Trump, ayaa fashil ku tilmaamay maamulka magaalada Los Angeles kuwaas oo ku eedeeyay inay ku fashilmeen inay xakameeyaan bannaanbaxyada socda labada cisho; Trump ayaa sheegay inay dawladda dhexe la wareegayso masuuliyadaas.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles