Wednesday, August 19, 2026

Mudaharaadyo looga soo horjeedo siyaasadaha Trump oo hareeyey magaalooyin ka tirsan Mareykanka

Mudahaarad rabshado wata oo looga soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ayaa maalintii 3-aadka socda magaalada Los Angels ee gobolka California.

Mudaharaadkan looga soo lagu diidan yahay amar ka soo fulay Madaxweyne Trump, kaas oo ciidamada laanta socdaalka iyo furdooyinka Mareykanka ee loo yaqaan ICE lagu faray in ay galaan magaalooyin u kal nugul dadka soogalootiga ah oo Los Angels ka mid tahay.

Rabshadaha ayaa la sheegaya in ay billowdeen markii ciidamada ICE ay ku qamaameen goobo shaqo iyo guryo lagu tuhmayey in ay ku dhuumanayeen dadka aan diiwaanka dowladda ku jirin.

Dadweyne ka careysan tillaabooyinka lagu beegsanayo dadka shisheeyaha ah oo badankoodu ka soo jeeda Maxico, ayaa durba billaabay tuuryo iyo gacan ka hadal. Tillaabadan ayaa kallifyay in madaxweyne Trump uu u yeero labo kun oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka siu u ugu maquuniyo dadka isku gudbey raafka.

Laakiin waxaa tillaabada ka xanaaqay madaxda Dowlad-goboleedka California oo uu ugu horreeyo guddoomiyah gobolkaas, Gavin Newsom iyo Duqa Los Angels Karen Bass oo madxweynaha ku eedeeyey in xadduudkiisa ka soo tillaabay maadaama uu dalbaday ciidan aan loo baahneyn.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles