Xiisad siyaasadeed oo caawa ka taagan Madaxtooyada

Wararka ka imaanaya xarunta madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha , ayaa sheegaya in caawa halkaasi ka taagan tahay xiisad siyaadadeed oo ka dhalatay magacaabista Ra’isul Wasaare kuxigeen.

Golaha wasiiradda Soomaaliya oo caawa kulan ka yeelan lahaa magacaabista Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad oo dalka yeesho ayaa waxaa buuq ku furay xildhibaanno kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland.

Xildhibaannada Direed oo horkacayeen wasiirro ayaa diidanaa magacaabista Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad , waxa ayna la kulmeen Ra’isul Wasaare Xamse Barre kana dalbadeen in uu joojiyo magacaabista Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad.

Sida xogta ku helnay Xildhibaannada Direed ayaa iyaga oo careysan ka tagay xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre , waxa ayna tageen dhanka xafiiska Madaxweynaha oo iyana la sheegay in ay ku fashilmeen la kulankiisa loona sheegay in uu mashquul yahay.

Xildhibaannadan kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaana si weyn u diidan qorshaha lagu sameenayo Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad uu dalku yeesho waxa ayna garab istaag u muujinayeen Ra’isul Wasaare kuxigeenka koobaad ee dalka Saalax oo hadda khilaaf kala dhaxeeyo Xamse Barre.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Gedo:’Muxuu daaran yahay Safarka Taliyaha Ciidanka Lugta ee ku tagay Baardheere?

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka...

Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay soo noqoshada Burcad-badeedda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo...

DFS oo shaacisay magacyada xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay Howlgalkii Buula-Fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay...

Israa’iil oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Safarka Somaliland, Qatar, Masar iyo Urdun

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa muwaadiniinta dalkaasi uga digay...

Sheekh Cali Wajiis “Cid Kasta oo Dowlad La Dagaallanta Waa Argagixiso, Waana in la dilo”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada magaalada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles