Thursday, June 18, 2026

Al-shabaab oo Burburiyay Buundada Bariiri iyo DFS oo ka hadashay

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal  qorsheysan oo ciidamada dowladda ay  ka fuliyeen deegaanada Awdhiigle, Bariiri, Sabiid iyo Caanoole oo ka trisan Gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaalka ayaa lagu dilay maleeshiyaadka ka tirsan kooxda Al-shabaab, iyadoona sidoo kale la qabsaday hub, sida ay  sheegtay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxay qarax ku jareen Buundada deegaanka Bariiri si aysan u isticmaalin gaadiidka gurmadka Ciidanka dowlada iyo dadka shacabka.

Buundada ay qarxiyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa marin muhiim ah u aheyd shacabka isticmaala deegaano kale ee ka tirsan Gobolkaasi.

Wasiiru Dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay eek a dhacay Gobolka Shabeelada Hoose lagu khaariyay xubno ka tirsan Kooxda Al-shabaab, inkastoo uusan sheegin tiradada xubnaha la dilay, waxaa uuna sheegay in Al-shabaab ay qarxiyeen Buundada Bariiri.

Buundada deegaanka Bariiri ayaa xiriirin jirtay labada dhinac ee webiga iyadoona mihiim u ahayd Dadka deegaanka oo u badan Beeraleey.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles