DF oo sheegtay in la dilay Horjoogihii Al-shabaab ee shirqoolada Muqdisho iyo labada Shabeelle

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa ku dhawaaqday in la xaqiijiyay geerida Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee dhagaraha iyo shirqoolada ay Al-shabaab ka fuliyaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle.

Cabaas Hool ayaa u geeriyooday dhaawacyo culus oo kasoo gaaray howlgal qorsheysan oo ay hore u fuliyeen Ciidanka Qalabka Sida, kuwaas oo sababay inuu dhaco xanuunno kale oo ugu dambeyn sababay dhimashadiisa.

Ninkan ayaa Al-shabaab ku biiray sanadkii 2007, isaga oo si toos ah uga qayb qaatay weerarro arxan-darro ah oo lagu bartilmaameedsaday shacabka Muqdisho. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Khawaarijta ee si gaar ah ugu jiray liiska bartilmaameedka Ciidanka Qalabka Sida iyo hay’adaha amniga qaranka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xasuusinaysaa in aysan jirin meel ay uga baxsadaan cadaaladda iyo ciidamada, horjoogeyaasha Khawaarijta ee caadaystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles