Wednesday, June 17, 2026

DF oo sheegtay in la dilay Horjoogihii Al-shabaab ee shirqoolada Muqdisho iyo labada Shabeelle

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa ku dhawaaqday in la xaqiijiyay geerida Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee dhagaraha iyo shirqoolada ay Al-shabaab ka fuliyaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle.

Cabaas Hool ayaa u geeriyooday dhaawacyo culus oo kasoo gaaray howlgal qorsheysan oo ay hore u fuliyeen Ciidanka Qalabka Sida, kuwaas oo sababay inuu dhaco xanuunno kale oo ugu dambeyn sababay dhimashadiisa.

Ninkan ayaa Al-shabaab ku biiray sanadkii 2007, isaga oo si toos ah uga qayb qaatay weerarro arxan-darro ah oo lagu bartilmaameedsaday shacabka Muqdisho. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Khawaarijta ee si gaar ah ugu jiray liiska bartilmaameedka Ciidanka Qalabka Sida iyo hay’adaha amniga qaranka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xasuusinaysaa in aysan jirin meel ay uga baxsadaan cadaaladda iyo ciidamada, horjoogeyaasha Khawaarijta ee caadaystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles