Wasiirka Difaaca XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Dooxa.

Waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo diblomaasiyiinta kale ee safaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa ka dhageystay Safiirka warbixin ku saabsan habsami u socodka hawlaha shaqo ee safaaradda iyo adeegyada ay u fidiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaalka iyo hawlkarnimada madaxda iyo hawlwadeenada safaaradda, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen metelaadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles