Monday, June 22, 2026

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka oo saxiixay qaab dhismeedka rasmiga ah hay’adda

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka cusub ee Hay’adda, kaasoo hagaya jihada shaqo, maaraynta waaxyaha, laamaha iyo horumarinta adeegyada kala duwan oo ay Hay’addu bixiso.

Qaab-dhismeedkan cusub oo ay horey uga wada shaqeeyeen Agaasinka Waaxaha kala duwan, iyo la-taliyeyaal farsamo ayay hay’addu ku hawlgeli doontaa.

Qaab-dhismeedkan waxa uu dhabbaha u xaarayaa:

• In si hufan loo kala hago howlaha Hay’adda

• In la xoojiyo isla xisaabtanka iyo waxqabadka shaqaalaha

• In la dhiso nidaam maamul casri ah oo la jaanqaadaya isbeddelka teknolojiyadda iyo baahiyaha bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in qaab-dhismeedkan cusub uu saldhig u noqon doono qorshaha dib u habaynta Hay’adda, iyadoo la horumarinayo adeegyada muhiimka ah sida baasaboorka, dal-ku-galka, jinsiyadda, iyo ilaalinta xuduudaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Roobka Muqdisho oo Hakad geliyay Ganacsiga iyo Gaadiidka

Roob saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa hakad...

Guddoomiye Sacdiya oo ku Baaqday in si Deg deg ah loo soo afjaro Colaadda Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Ciidamada Dowladda oo gaaray Jalalaqsi iyo waan waan socota

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada...

 Booliiska Banaadir oo Baadi-goob Ku haya eedeysanayaal lagu eedeeyay Xadgudub

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay socdaan howl-gallo...

Sacdiyo Bajaaj Oo Hortageysa Maxkamad, Maxaa Cusub

Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo si weyn loogu yaqaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles