Thursday, April 30, 2026

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Garoowe iyo seddex sano kadib oo Deni iyo Madoobe oo kulmaya

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, halkaasi uu kulan kula qaadan doono madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada hoggaamiye ayaa maanta shir gaar ah ku yeelanaya magaalada Garoowe, kaasi oo looga hadli doono khilaafka siyaasadeed ee ka taagan  dalka.

Dhinacyada ayaa waxaa ay si gaar ah diirada saari doonaan wax ka beddelkii madaxtooyada Soomaaliya ay ku samaysay dastuurkii dalka iyo muranka doorashooyinka 2026.

Kulanka labada dhinac ee Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno ku saabsan mowqif midaysan Puntland iyo Jubbaland ka taagan yihiin khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ahaa ee dalka iyo sidoo kale khilaafka doorashooyinka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe qorshaynayaan in mucaaridka Muqdisho lagu casumo Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horrayso doorashada Madaxtinimada dalka ee 2026.

Seddex sano kadib waa markii ugu horeysay oo ay kulmaan Axmed madoobe iyo Saciid Deni, tan iyo markii ay kala tageen doorashadii ka dhacday dalka sanadkii 2022, dhawaan ayay labada masuul waxaa ay kulan ku yeesheen dalka Imaaraadka Carabta, iyagoona isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana ay wakhtigaasi bilaabeen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay kaga horjeedaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wixii ku soo kordha la soco.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles