Mareykanka oo sheegay in Duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelada Hoose

Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay, in ayaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeelada hoose, 19 bisha.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeynba lala beegsaday godad ay Al-Shabaab ay laheyd deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabeelada Hoose.

AFRICOM oo ay garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay sii wadaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda al-Shabaab ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarro halis ku ah Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniintiisa ee gudaha iyo dibadda.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale AFRICOM ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab iyo sidoo kale shaacin in dad rayid ay wax ku noqdeen duqeynta.

Washington ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale tababar iyo taageero ay siisaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ka dhacayay duqeymo lala beegsanayay maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles