Tuesday, August 18, 2026

โ€œWarsaxaafadeedโ€MW Xasan Sheekh oo aqbalay in lagala hadlo doorashooyinka iyo Dastuurka

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka isaga oo la shiray Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Madaxweynihii hore, Mudane Shariif Sheekh Axmed, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa guddiga uu Madaxweynaha u xil-saaray gogosha wadatashiga.

Kulankan Labada dhinac waxay si qoto dheer uga doodeen afar ajande oo saldhig u ah mustaqbalka siyaasadeed iyo amni ee dalka:

1. Adkeynta midnimada iyo wadajirka dalka

2. Hagaajinta hannaanka dib-u-eegista Dastuurka

3. Dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada

4. Dhameystirka hannaanka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo heshiis lagu yahay

ย 

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo raadinta masโ€™uuliyiinta wali ka maqan gogosha, si loo helo midnimo buuxda iyo wadajir qaran.

Intaas kadib, waxaa la isku raacay in wadahadallada la sii ambaqaado, iyada oo dib loogu balansan yahay in kulamada wadatashiga ay dib u bilaabmaan 3-da bisha Luuliyo 2025, xilli uu si rasmi ah u bilaabanayo usbuuca xorriyadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles