“Warsaxaafadeed”MW Xasan Sheekh oo aqbalay in lagala hadlo doorashooyinka iyo Dastuurka

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka isaga oo la shiray Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Madaxweynihii hore, Mudane Shariif Sheekh Axmed, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa guddiga uu Madaxweynaha u xil-saaray gogosha wadatashiga.

Kulankan Labada dhinac waxay si qoto dheer uga doodeen afar ajande oo saldhig u ah mustaqbalka siyaasadeed iyo amni ee dalka:

1. Adkeynta midnimada iyo wadajirka dalka

2. Hagaajinta hannaanka dib-u-eegista Dastuurka

3. Dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada

4. Dhameystirka hannaanka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo heshiis lagu yahay

 

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo raadinta mas’uuliyiinta wali ka maqan gogosha, si loo helo midnimo buuxda iyo wadajir qaran.

Intaas kadib, waxaa la isku raacay in wadahadallada la sii ambaqaado, iyada oo dib loogu balansan yahay in kulamada wadatashiga ay dib u bilaabmaan 3-da bisha Luuliyo 2025, xilli uu si rasmi ah u bilaabanayo usbuuca xorriyadda.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles