Tuesday, August 18, 2026

Midowga Yurub oo gaadiid ugu deeqay DFS iyo Wasiirka Fiqi oo la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayey dib u habayn xerada tababarka ciidamada ee Dhagabadan iyo gaadiid Ciidan oo ay ku deeqeen Midowga Yurub, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa munaasabaddda joogay wafdi heer sare ah oo ka yimid xarinta midowga Yurub ee Brussels oo uu hogaaminayey Agaasimaha Adeegga Dhaqaalaha Dibadda Afrika ee Midowga Yurub, Mudane Jonas Jonsson iyo sidoo safiirka ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Karin Johansson. yo sidoo kale taliye ku xigeenka ciidamada XDS.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Dugsiga Tababarka ciidamada ee Dhagabadan ayaa Wasiirku uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo Iskaashiga qotoda dheer ee Kala dhexeeya, isagoo xusay in Taageeradan ay kusoo beegantay xilli ciidamadu ay ku jiraan dagaal toos ah oo lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xasilinta deegaanadii la xoreeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles