Midowga Yurub oo gaadiid ugu deeqay DFS iyo Wasiirka Fiqi oo la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayey dib u habayn xerada tababarka ciidamada ee Dhagabadan iyo gaadiid Ciidan oo ay ku deeqeen Midowga Yurub, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa munaasabaddda joogay wafdi heer sare ah oo ka yimid xarinta midowga Yurub ee Brussels oo uu hogaaminayey Agaasimaha Adeegga Dhaqaalaha Dibadda Afrika ee Midowga Yurub, Mudane Jonas Jonsson iyo sidoo safiirka ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Karin Johansson. yo sidoo kale taliye ku xigeenka ciidamada XDS.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Dugsiga Tababarka ciidamada ee Dhagabadan ayaa Wasiirku uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo Iskaashiga qotoda dheer ee Kala dhexeeya, isagoo xusay in Taageeradan ay kusoo beegantay xilli ciidamadu ay ku jiraan dagaal toos ah oo lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xasilinta deegaanadii la xoreeyay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles