Wednesday, March 4, 2026

DFS oo malaayiin doolar ka heshay Midowga Yurub

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo kala ahaa Madaxa Midowga Yurub ee dalalka Bariga Afrika, Wakiilka EU Soomaaliya iyo Madaxa Qorshaynta Istaraatiijiyadeysan ee Maaraynta Qataraha, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay hannanka dib-u-haneynta Maaliyadda, casiriyeynta ilaha dakhliga iyo xoojinta xiriirka Dowladda iyo hay’daha Maaliyadeed ee Caalamka.

Sidoo kale intii uu socday kulanka waxaa looga wada hadlay kaalinta Midowga Yurub ee taageeridda arrimaha Maaliyadda gaar ahaan kabka miisaaniyadda Dowladda oo ah taageero joogta ah taas oo uu Wasiirka Maaliyadda kaga mahadceliyay dalalka midowga yurub taageerada ay had iyo jeer u fidiyaan Dowladda Soomaaliya.

Kulanka kadib, Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan €10.5 Milan Yuuro oo ah kab miisaaniyadeed oo lagu horumarinayo arrimaha adeegga dad-weynaha iyo waxbarashada oo Dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii la soo dhaafay mudnaan gaar ah siinaysay.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles