Thursday, July 31, 2025

R/W hore ee Soomaaliya C/weli Gaas oo loo magacaabay Ergeyga Midowga Afrika ee Koofurta Suudaan

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, islamarkaana soo noqday Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan dalka Koonfurta Suudaan.

Magacaabistan oo lagu shaaciyay warqad rasmi ah oo uu saxiixay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa lagu xusay in magacaabistu tahay mid lagu muujinayo kalsoonida lagu qabo khibradda, hoggaaminta, iyo kartida diblumaasiyadeed ee Dr. Cabdiweli Gaas.

Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku yiri:
“Aniga oo ku hadlaya magaca Guddiga Midowga Afrika iyo magacaygaba, waxaan kuu rajeynayaa guul iyo horumar howlaha cusub ee lagu aaminay, anigoo kuu muujinaya taageeradayda buuxda.”

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa horey u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sanadihii 2011–2012, waxaana kadib uu hoggaamiyay maamulka Puntland muddo shan sano ah (2014–2019), isagoo intaasi lagu xusuusto dadaallo diblumaasiyadeed iyo kobcin dhanka maamulka ah.

Magacaabistiisa ayaa timid xilli Koonfurta Suudaan ay weli wajahdo xaalado siyaasadeed oo cakiran  iyo baahi loo qabo dhexdhexaadin iyo xasillooni siyaasadeed oo joogto ah.

Doorarka wakiilka Midowga Afrika waxaa ka mid ah fududeynta wada hadallada, korjoogteynta heshiisyada nabadeed iyo dhisidda xiriir qaran oo xooggan.

Waxaa la filayaa in Dr. Cabdiweli uu dhowaan si rasmi ah u bilaabo shaqadiisa cusub ee uu ku matalayo Midowga Afrika gudaha Suudaanta Koonfureed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles