Thursday, April 30, 2026

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku garaacday goob caan ah oo xeebta ku taal oo ay inta badan isticmaalaan dhaqdhaqaaqayaasha, saxafiyiinta, iyo dadka deegaanka ee galbeedka Gaza Isniintii, sida ay sheegeen dhakhaatiir iyo dad goob joogayaal ah.

Kooxaha gurmadka ayaa 20 mayd ah iyo daraasiin dhaawac ah ka soo daadgureeyay maqaaxida Al-Baqa, oo ah meel ka kooban teendhooyin ku teedsan xeebta, afhayeen u hadlay difaaca rayidka ee Xamaas ee Gaza.

Waxa uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka degdegga ah ay weli baarayaan god dheer oo uu qaraxa kaga tagay.

“Waxaan ku sii socday maqaaxida si aan internetka uga isticmaalo meel dhowr mitir u jirta, markii uu qarax weyn dhacay,” ayuu yiri Caziz Al-Afifi, oo ah sawirqaade ka tirsan shirkad wax soo saar oo maxalli ah.

Muuqaallo ay dadka u ololeeya arrimaha bani’aadannimada soo dhigeen baraha bulshada ayaa u muuqday kuwa muujinaya xilliga gantaal la sheegay in laga soo riday diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil, uu ku dhacay goobta. Muuqaallo laga soo duubay weerarka kadib, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin dhulka.

Maqaaxida Al-Baqa waxay noqotay meel caan ah oo loogu talagalay suxufiyiinta, dhaqdhaqaaqayaasha, iyo shaqaalaha, oo bixisa adeeg internet, fadhi iyo goob shaqo oo ku teedsan xeebta Mediterranean-ka Gaza.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii Israa’iil ay xalay saqdii dhexe duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay Marinka Qaza, taasoo keentay in boqollaal qoys oo Falastiiniyiin ah ay barakacaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles