MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda weyn ee 65-guurada kasoo wareegtay maalinta xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo ku beegan 1-da Luulyo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in toddobaadka xorriyaddu uu xambaarsan yahay xusuus iyo qiime weyn, maadaama uu ka dhashay halgan dheer oo ay shacabka Soomaaliyeed u galeen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryadii gumeystaha, ugana dhaxli lahaayeen dowladnimo sal adag oo ay iyagu leeyihiin.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay:

Mar walba xusuustaan halgankii iyo taariikhdaas dahabiga ah,

U duceeyaan halyeeyadii nafahooda iyo dhiiggooda u huray xorriyadda, gobannimada iyo dowladnimada aan maanta haysanno.

“Hambalyo Munaasabadda 1-da Luulyo,” ayuu ku soo gabagabeeyay farriintiisa, isagoo muujiyay dareen qaranimo iyo wadaninimo ku dheehan xusuusta maalinta taariikhiga ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles