Sunday, June 21, 2026

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda weyn ee 65-guurada kasoo wareegtay maalinta xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo ku beegan 1-da Luulyo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in toddobaadka xorriyaddu uu xambaarsan yahay xusuus iyo qiime weyn, maadaama uu ka dhashay halgan dheer oo ay shacabka Soomaaliyeed u galeen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryadii gumeystaha, ugana dhaxli lahaayeen dowladnimo sal adag oo ay iyagu leeyihiin.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay:

Mar walba xusuustaan halgankii iyo taariikhdaas dahabiga ah,

U duceeyaan halyeeyadii nafahooda iyo dhiiggooda u huray xorriyadda, gobannimada iyo dowladnimada aan maanta haysanno.

“Hambalyo Munaasabadda 1-da Luulyo,” ayuu ku soo gabagabeeyay farriintiisa, isagoo muujiyay dareen qaranimo iyo wadaninimo ku dheehan xusuusta maalinta taariikhiga ah.

WARARKII KALE

Guddoomiye Sacdiya oo ku Baaqday in si Deg deg ah loo soo afjaro Colaadda Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Ciidamada Dowladda oo gaaray Jalalaqsi iyo waan waan socota

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada...

 Booliiska Banaadir oo Baadi-goob Ku haya eedeysanayaal lagu eedeeyay Xadgudub

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay socdaan howl-gallo...

Sacdiyo Bajaaj Oo Hortageysa Maxkamad, Maxaa Cusub

Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo si weyn loogu yaqaano...

Wafdi ka socda Iran iyo Mareykanka oo tagay Switzerland

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland ayaa ku dhawaaqday in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles