Friday, May 1, 2026

Shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay Shirka Lixaad ee Wadatashiga Wasaaradaha Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, shirka ayaa inta uu socdo muhiimadda lagu saari doonaa xoojinta wadashaqeynta iyo kor u qaadista adeegyada Caafimaadka ee dalka.

Shirka ayaasidoo kale diiradda lagu saaridoonaa guulaha laga gaaray mashaariicda Caafimaadka ee dalka ka socday bilihii la soo dhaafay, caqabadaha wali jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, iyo sidoo kale baahinta adeegyada Caafimaadka aasaasiga ah si loo gaaro bulsho caafimaad qabta.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed, oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed Saciid Axmed Cali, Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Yuusuf Sancad, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidow, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed iyo xubno kale oo muhiim ah.

Qaar ka mid ah Wasiirada Caafimaadka ee dowlad goboleedyada iyo agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir oo madasha ka hadlay ayaa muujiyay rajo ballaaran oo ay ka qabaan in shirka laga soo saaro qodobo muhiim ah oo sal u noqon doona horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, gaar ahaan dhanka caafimaadka aasaasiga ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan, oo furitaanka shirka si rasmi ah u sameeyay, ayaa adkeeyay baahida loo qabo in Soomaaliya isku tashato, maadaama ay isa soo tarayso hoos u dhaca deeqaha Caafimaad ee caalamiga ah, sidoo kale Wasiirka ayaa yiri: “Waa xilligii aan isu tashan lahayn oo aan dhisi laheyn nidaam Caafimaad oo Soomaali leedahay, looguna adeego shacabka Soomaaliyeed.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles