Monday, January 26, 2026

MW Xasan Sheekh iyo Dhigiisa Masar oo kulan xasaasi ah yeelanaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu kulan rasmi ah kula yeelan doono dhiggiisa dalka Masar, Madaxweynaha Cabdel-Fataax Al-Sisi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga wada hadli doono xaaladda cakiran ee Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda ka taagan damaca Itoobiya ee ku aaddan xannibaadda biyaha Webiga Nile.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli gobolka uu wajahayo xiisado isa soo taraya, iyadoo Itoobiya sheegtay inay dhowaan bilaabi doonto xarrigga biyaha kanaalka Nile si ay koronto uga dhaliso biyo-xireenka ay ka dhistay webiga Abay (Nile). Arrintaas ayaa si weyn uga caraysiisay dowladda Masar oo u aragta mid khatar ku ah amnigeeda biyo iyo masiirka qarankeeda.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in Itoobiya ay dacwo ka keentay dalka Eritrea, iyadoo ku eedeysay inuu qorsheynayo weerar gudaha Itoobiya ah muddo saddex bilood gudahood ah, taasoo sii hurineysa xiisadda gobolka.

Waxaa sidoo kale la xasuusan yahay in xiisadda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya hoos loo dhigay, kaddib wada-hadalladii ka dhacay magaalada Ankara iyo is-dhaafsiga booqashooyinka rasmi ah ee Madaxda labada dal.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay xafladda xarig-jarka biyo-xireenka cusub, taasoo haddii uu Madaxweyne Xasan ka qeyb galo laga dhaxli karo dareen siyaasadeed oo adag, maadaama Masar iyo Suudaan ay si cad uga soo horjeedaan mashruucaasi.

Dowladda Masar ayaa si weyn uga shaqeyneysa in Soomaaliya ay ka baaqato ka qeybgalka xafladdaasi, iyada oo u aragta mid qeyb ka ah muranka xooggan ee ka taagan biyaha Webiga Nile.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi ka socda Talyaaniga oo yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg...

Al-shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin...

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles