Dad ku dhintay dibadbaxyadada ka socda Kenya

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyada dowladda looga soo horjeeday ee ka dhacay Kenya, waxaana la xiray 567 qof, sida ay booliisku sheegeen.

Booliiska ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha, Dr Aron Sikuku oo ah dhakhtar ka howlgala Eagle Nursing Home oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi uu warbaahinta BBC-da u sheegay meydadka labo qof oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaasta la keenay xarunta.

Waxay la sheegay in sidoo kale 52 askari oo booliis ah iyo 11 qof oo rayid ah la dhaawacay.

Golaha xuquuqda aadanaha ee Kenya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in tirada dhimashada ay gaarayso 10 qof.

Dibad-baxayaashu waxay dalbanayaan isla xisaabtan, maamul wanaag iyo cadaalad loo sameeyo dhibanayaasha ay booliiska u gaysteen naxariis-darrada, baaqaas oo socday tan iyo bishii June ee sannadkii hore.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa isna ku baaqay in booliska lagu sameeyo isbeddello balaaran oo oo dib loogu dhisayo kalsoonidii u dhaxaysay shacabka iyo ciidanka amniga

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles