Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo milateri iyo abaabul ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan degmada Moqokori, oo shalay ay la wareegen maleeshiyaadka Al-shabaab,kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ayaa bilaabay abaabul xooggan iyo gurmad dagaal, si ay mar kale gacanta ugu dhigaan degmada  Moqokori, Waxaana saaka socda dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Shalay dagaalkii ugu cuslaa ayaa ka dhacay degmada Moqokori, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen degmadaasi, kadibna ay la wareegeen degmadaaasi.

Labo sano iyo bar ka hor ayaa laga saaray Al-shabaab magaalada iyadoo ay gacanta u gashay ciidamada deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada dowladda.

Degmada Moqokori ayaa ah meel isku xirta gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, iyo Galgaduud, taas oo ka dhigan mid muhiimadeeda dhanka isku socodka halbowle u ah gobolladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali war ka soo saarin galitaanka al-shabaab ee degamada Moqokori.

Hiiraan ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf culus oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo horseeday in gobolkaasi si weyn looga difaaco argagixsada.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles