Sunday, August 16, 2026

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo milateri iyo abaabul ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan degmada Moqokori, oo shalay ay la wareegen maleeshiyaadka Al-shabaab,kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ayaa bilaabay abaabul xooggan iyo gurmad dagaal, si ay mar kale gacanta ugu dhigaan degmada  Moqokori, Waxaana saaka socda dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Shalay dagaalkii ugu cuslaa ayaa ka dhacay degmada Moqokori, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen degmadaasi, kadibna ay la wareegeen degmadaaasi.

Labo sano iyo bar ka hor ayaa laga saaray Al-shabaab magaalada iyadoo ay gacanta u gashay ciidamada deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada dowladda.

Degmada Moqokori ayaa ah meel isku xirta gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, iyo Galgaduud, taas oo ka dhigan mid muhiimadeeda dhanka isku socodka halbowle u ah gobolladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali war ka soo saarin galitaanka al-shabaab ee degamada Moqokori.

Hiiraan ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf culus oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo horseeday in gobolkaasi si weyn looga difaaco argagixsada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles