Wednesday, October 22, 2025

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin doonta ergadii ugu horreysay ee ka socota beelaha gobolka Sanaag iyo deegaanada SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, shirkaas oo si rasmi ah u furmi doono 10-ka bishan Luulyo.

Ergooyinkan ayaa isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo bulshada rayidka ah oo ka kala socda deegaannada hoostaga SSC, gaar ahaan gobolka Sanaag.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Laascaanood gaaraan ergooyin dheeraad ah oo matalaya qaybaha kale ee bulshada iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada SSC Khaatuma.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo dareemayaa, iyadoo waddooyinka muhiimka ah, xarumaha martida iyo hoolalka shirarka ay buux dhaafiyeen dadkii ka kala yimid gobollada SSC.

Amniga magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ka howlgala ciidamo deegaanka ah oo hoos taga maamulka SSC-Khaatumo.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid go’aano muhiim ah laga gaarayo dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles