Sunday, August 16, 2026

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin doonta ergadii ugu horreysay ee ka socota beelaha gobolka Sanaag iyo deegaanada SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, shirkaas oo si rasmi ah u furmi doono 10-ka bishan Luulyo.

Ergooyinkan ayaa isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo bulshada rayidka ah oo ka kala socda deegaannada hoostaga SSC, gaar ahaan gobolka Sanaag.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Laascaanood gaaraan ergooyin dheeraad ah oo matalaya qaybaha kale ee bulshada iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada SSC Khaatuma.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo dareemayaa, iyadoo waddooyinka muhiimka ah, xarumaha martida iyo hoolalka shirarka ay buux dhaafiyeen dadkii ka kala yimid gobollada SSC.

Amniga magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ka howlgala ciidamo deegaanka ah oo hoos taga maamulka SSC-Khaatumo.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid go’aano muhiim ah laga gaarayo dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles