Tuesday, March 3, 2026

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyay wararka sheegaya in DF ay qorsheyneyso inay Ciidamo geyso gobolka Sanaag.

Wasiirka Gaashaan-dhigga XFS Axmed Mucalim Fiqi oo ka hadlay arrintaasi ayaa yiri “Waxaan caddaynaynaa in Dawlad Federaalka ah aysan ciidan geyn Gobolka Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan. Shakhsiyaadka dawladda Federaalka ku eedaynaya arrintaasna wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto oo aan ahayn eed caalwaa ah oo ay ka muuqato in taag iyo tabar ay ku hor istaagaan ay u waayeen rabitaanka dadka deegaanadaas.

Ismana qabato Xamar ayay dawladdu xukumi wayday iyo Sanaag ayay ciidan geysay, sidoo kale waxaan isqabanayn Dawladda Soomaaliya nidaamka Federaalka ah ayay cadow ku tahay oo burburinaysaa iyo in haddana lagu eedeeyo dawlad goboleed cusub ayay dhisaysaa.

Nidaamka Federaalka ah waa nidaam dalku qaatay oo dastuuri ah, hirgelintiisa iyo dhowristiisuna cid walba ay ku tahay waajib.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles