Wednesday, October 22, 2025

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaaminayeen Ms. Nasrin Khan, Madaxa Kooxda Xeerka iyo Hay’adaha Amniga, iyo Ms. Leila Bouchebouba, Madaxa Qaybta Dib-u-habaynta Laamaha Amniga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta nidaamka sharciga iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasilooni ka hanaqaada guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey martida doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan taageerada dib-u-habaynta laamaha amniga iyo horumarinta hay’adaha garsoorka, isagoo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga joogtada ah ee labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles