Sunday, August 16, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, difaaca dalka, doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ee dowladdu ay siisay doorka Haweenka ee siyaasadda, maamulka iyo arrimaha bulshada, isaga oo ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, difaaca, amniga, ka shaqeynta danta guud iyo dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

“Waxaa lagama maarmaan ah oo waajib ah in Khawaarijta dalka laga xoreeyo, haddii kale gaari meyno Soomaaliyada aan dooneyno, gabdhaha Soomaaliyeed muhiim ayay u yihiin xaqiijinta yoolasha fog ee dalka iyo sidii wadajir loogu xoreyn lahaa dalka”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed kaalinta weyn ee ay ku leeyihiin nolosha bulshada, waxa uuna adkeeyay in dowladdu ay xoojinayso fursadaha shaqo ee Haweenka iyo ilaalinta saamigooda siyaasadeed iyo maamul ee dalka. Isaga oo intaas raaciyey in xaquuqda ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed ay ku dhammeystirmi karto marka la xaqiijiyo xuquuqda muwaadinku u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.

Kulanka oo ciwaankiisu ahaa Difaac iyo Doorasho, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xarunta Amniga iyo Nabadda Haweenka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka , Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudanayaal ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka iyo haween ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Wajahan Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka ambabaxaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles