Tiro kabadan 146 ruux oo ku geeriyooday Itoobiya

146 qof ayaa ku dhintay laba dhul go’ oo ka dhacay Koonfurta Itoobiya, sida ay maamulka deegaanka u sheegeen BBC-da.

Tiro meydad ah oo ay ku jiraan konton haween ah ayaa ilaa hadda la soo saaray, balse waxaa jirta cabsi laga qabo in tiradaasi ay kororto.

Roobab mahiigaan ah oo da’ay Axaddii iyo Isniintii ayaa waxaa xigay dhul go’ dad ay ku dhinteen oo ka dhacay degmada Gofa ee Koonfurta Itoobiya.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in dadka deegaanka iyo ciidamada amaanka ay isku dayeen in ay soo badbaadiyaan dad ku dhintay dhul go’a koowaad, waxaana midda labaad ay saameysay dad u soo gurmaday.

Iyadoo baadigoobka uu socdo, waxaa jirta cabsi laga qabo in dad badan oo kale ay weli dhoobada ku hoos jiraan. Taageero deg-deg ah ayaa la siinayaa kuwa badbaaday.

Koonfurta Itoobiya ayaa marar badan oo kale lagu arkay dhul go’, balse tani waa mid ka mid ah kuwii ugu darnaa ee soo mara gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh oo warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirrada Turkiga iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka...

Wafdiga waan-waanta wada oo la kulmay A/Madoobe

Wafdi qeyb ka ah dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed...

Turkiga oo si weyn ugu dhex milmay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin ay ka qortay...

Uganda iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrinta AUSSOM

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka...

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles