Saturday, August 30, 2025

Kuuriyada Waqooyi oo toos ugu hanjabtay Mareykanka, Japan iyo Koonfur Kuuriya

Kuuriyada Waqooyi ayaa si cad u sheegtay inay diyaar u tahay dagaal toos ah oo ay la gasho Mareykanka, Japan, iyo Koonfur Kuuriya, taasoo dhalisay walaac weyn iyo diyaargarow milatari oo deg deg ah.

Hanjabaddan ayaa si gaar ah u saameysay Japan iyo Koonfur Kuuriya oo bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo qorsheyaal ay uga hortagayaan khatarta laga yaabo inay ka timaaddo Pyongyang.

Dowladda Ruushka oo isha ku haysa xiisadda sii xoogeysaneysa ayaa uga digtay Mareykanka inuu huriyo dagaal hor leh oo ka qarxa Bariga Fog. Moscow waxay ku boorrisay Washington inay ka fogaato tallaabo kasta oo keeni karta isku dhac cusub oo caalami ah, iyadoo sheegtay in Bariga Fog aanu u adkeysan karin dagaal kale oo weyn.

Ruushka ayaa sheegay in xasilloonida gobolka ay muhiim u tahay nabadda caalamka, islamarkaana xiisad kasta oo halkaas ka kacda ay saameyn doonto dhaqaale, amni, iyo xiriirka awoodaha waaweyn ee dunida.

WARARKII KALE

RW Xamsa muxuu ka yiri doorashada maanta ka dhacday Waqooyi Bari?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

MW Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa loo doortay Waqooyi Bari

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo...

70 qof oo tahriibayaal ahaa oo badda ku dhintay

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay badda kadib...

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya

Doorashada ka socotay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka cusub...

Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliyav

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa si rasmi ah loogu...

Wareega 1aad ee Doorashada Madaxtinimada Waqooyi Bari oo la Soo Afmeeray iyo natiijada

Waxaa dhammaatay tirinta codadka wareegga Koowaad ee doorashada madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles