Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii kooxda Al-Shabaab,ay qarax la beegsadeen ciidamada Kenya oo maraya  waddada u dhaxaysa Ijara iyo Bodhai, Magaalada  Garissa ee waqooyi bari Kenya.

Labada qof ee dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Shabeel Bashiir iyo Cabdikadir Maxamuud Salaat. Waxay ku safrayeen gaari nooca Probox ah iyagoo kusii jeeday magaalada Bodhai, markaas oo uu qaraxu dhacay.

Guddoomiyaha degmada Bodhai, Dubat Maxamed, ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay in miinada dhulka lagu aasay ay u muuqato mid lagu beegsaday kolonyooyin ammaanka oo si joogto ah uga hawlgala wadadaas.

“Waa dhacdo murugo leh. Waxaan rumeysanahay in weerarku uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday ciidanka ammaanka ee mararka badan ku socda waddadan,” ayuu yiri Dubat.

Guddoomiye Dubat ayaa sheegay in amniga waddada la adkeeyay, islamarkaana hawlgal ballaaran oo ay iska kaashanayaan cutubyo ka tirsan GSU (General Service Unit) iyo SOG (Special Operations Group) uu socdo si loo raadiyo dambiilayaasha.

“Ciidamadeennu waxay baarayaan meelaha laga shakisan yahay. Waxaan ka codsaneynaa shacabka inay nala shaqeeyaan oo ay soo sheegaan wixii xog ah oo ay hayaan,” ayuu raaciyay.

Xildhibaan Abdi Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Ijara ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay mid carqaladeynaya dadaallada lagu xasillinayo gobolka.

“Waxaan aad uga murugooday kana naxay weerarkan arxan darrada ah. Waa xasuus naxdin leh oo muujinaysa halista wali haysata shacabka deegaanka,” ayuu yiri.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles