Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay askari jir dil u geystay Gabar Soomaaliyeed

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo la sheegay inuu qeyb ka yahay ilaalada Madaxtooyada, kaddib markii uu muuqaal laga duubay isaga oo si arxan darro ah u jirdilaya gabar Soomaaliyeed uu si weyn uga caraysiiyay bulshada.

Muuqaalka, oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay askariga oo si xun u garaacaya gabadha, taasoo keentay falcelin iyo caro ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa si deg deg ah u xabsiga u dhigay askariga falka geystay, oo lagu magacaabo Axmed Nuur Maxamuud, iyagoo sheegay in falkaasi uu yahay mid ka dhan ah sharciga, anshaxa ciidamada, iyo masuuliyadda ay u dhaarteen inay ilaaliyaan shacabka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in askarigaas hadda lagu hayo xabsi baaritaan lagu sameynayo, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono caddaaladda.

Booliisku waxay sidoo kale digniin u direen dhammaan ciidamada amniga ee dalka, iyagoo uga digay in aysan ku xadgudbin xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, kuna adkeeyay in qof walba laga rabo mas’uuliyad, akhlaaq iyo dhowrsanaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre oo digniin culus u diray saraakiil uu ku eedeeyay dhul-boob iyo barakicin ka socda degmada Dayniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Midowga Afrika iyo EU oo ka digay burburka AUSSOM iyo dib-u-dhaca dagaalka Al-Shabaab

Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka...

QOOR QOOR “Lafta-gareen waa la xiriiraynnaa, wafdina waa u diraynnaa”

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor),...

Odawaa oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay xiisadaha Lafta-gareen iyo Ugaas Yuusuf

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku...

Ugaaska Beesha Murusade oo dadkiisa ugu baaqay inay is difaacaan

Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles