Wednesday, June 24, 2026

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah ee 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.

Wasiir Xayd iyo wafdigiisa waxay shirkan ku metelayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, iyaga oo ka qeyb qaadan doona wada-tashiyo muhiim ah oo la xiriira ajandayaasha shirka.

Inta uu socdo shirku, oo ah muddo afar maalmood ah, waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo ay kamid yihiin: sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda qaaradda Afrika, iyo sidii wada-shaqeyn iyo iskaashi ballaaran looga yeelan lahaa hirgelinta mashaariicda guriyeynta ee laga fulinayo dalalka Afrika, oo ay Soomaaliya kamid tahay, shanta sano ee soo socota.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran waxaa u soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Howlaha Guud ee Dalka Aljeeriya Iyo Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles