Ingiriiska oo DF ku wareejisay xero ciidan oo ku taala Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah ula wareegay xaruntii tababarrada ciidamada ee ay dhistay isla markaana ay taageeraysay Dowladda Ingiriiska ee magaalada Baydhabo, kadib kulan uu la yeeshay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles Nicholas King.

Xaruntan ayaa si buuxda loogu wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga, si ay uga qeyb uga qaadato tababaridda ciidamada qaranka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan safaaradda Ingiriiska, oo uu ka mid yahay Kabtan James Edwards, u qaabilsanaha milateriga ee safaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u tilmaamay muhiimadda xarunta Baydhabo ee dhanka tayeynta ciidamada iyo dar-dargelinta howlgallada lagula dagaallamayo AS.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles