Guddoomiye Muungaab oo saraakiisha iyo maaliyada kala hadlay furista wadooyin xiran

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii loo furi lahaa waddooyinka degmada Shangaani ee ku xirmay dhagaxyada laga ilaaliyo xarumaha Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si dhowaan dib-u-dhis loogu sameeyo.

Kulanka waxaa goobjoog ku ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo taliyaasha qeybaha Gobolka Banaadir ee Booliska iyo Nabad Sugidda, waxaana lagu lafa-guray sidii amniga Xarumaha dowladda loo ilaalin lahaa, sidoo kalane loo furi lahaa waddooyinka xiran si dib loogu dhiso oo shacabku u helaan jidad ay maraan.

Guddoomiye Muungaab iyo mas’uuliyiinta kale ayaa isku afgartay in la furo waddooyinka xiran si dib loogu hawlgaliyo, waxaana kulanka lagu meelmariyay qorshe amni oo uu Maamulka Gobolka Banaadir soo bandhigay, kaas oo suurtogalinaya in waddooyinka xiran la hawlgaliyo oo dib loo dhiso iyadoo amniga xarumaha muhiimka ah ee goobta ka dhawna la ilaalinayo.

Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid waxa uu ku guuleystay dhagax-dhigga mashaariic lagu dhisayo waddooyin badan, kuwaas oo qaarkood muddo dheer u xirnaa burbur iyo dhagaxyo lagu jaray dartood.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles