Xamaas oo fariin argagax leh u dirtay Ciidamada Israel ee Gaza

Fariin Muuqaal ah oo ay soo dirtey Xamaas Garabkeeda Milatariga oo laga sii   daayey Aljazeera ayaa ugu baaqey Ciidanka Israaiil ee Gaza ku sugan inay isa soo dhiibaan inta ay goori goor tahay haddii kale meesha aad joogto ayaan kuugu dileynaa ayey sii raacisey Fariinta

“Waxaa hubnaa in ay gacanteenna ku soo gaari doono weliba kuugu imaan doono meesha aad joogtid, waxaa hadda kuu roon in aad qori Madaxa saartid oo is badbaadisid si aad hadhow uga mid noqotid kuwa la sii doono haddii heshiis dhaco haddii aadan sidaas yeelin ogow meeshaadaa kuugu dileynaa”

Warkaan markuu soo baxay Ciidanka Israaiil ee Gaza ku sugan Cabsi weyn ayaa soo wajahdey waxay ridayaan rasaas badan iyo Bulaleyr

Jenaraal Iskhaq Briik oo ka tirsan ciidamada kaydka ee Irael ayaaa sheegay in Isra’iil maanta ay ku jirto xaaladdeedii ugu xumeyd tan iyo bilowgii dagaalka.

Ciidanka ayaa gebi ahaanba lumiyay xakameynta Qasaaraha Gaza tan iyo markii hawlgalkii “Gideon Cars” uu bilowday, mana awoodaan inay jebiyaan Xamaas.

Tirada askarta Isra’iil ee la dilay iyo kuwa dhaawacyada halista ah qabay ayaa korodhay tan iyo bilowgii hawlgallada “Gideon Cars”, halka aysan awoodin inay sii daayaan hal maxbuus .

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles