Wednesday, June 24, 2026

Israa’iil oo ka qoomameymeyso weerar ay ka geysatay gudaha Gaza

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in aad uga xumaaday ugana naxay weerar shalay oo Khamiis ah ciidamada Israa’iil ka geesatay magaalada Qasa, kaa oo la sheegay in lagu dilay saddex qof oo shacab ah.

Qoraal uu soo saaray Benjamin Netanyahu ,ayaa ku sheegay in dalkiisu aad uga xun yahay in hoobiyo lagu garaacay halka kaniisad ee kaatooliga ee kutaalla magaalada Qasa, waxaana kaniisadaasi lagu dilay saddex qof oo gabbaad ka dhiganayay dhismaha kaniisada.

Waxa uu sheegay in uu aad uga naxay ugana xunyahay in kaniisada ku dhintaan dad aan waxba galabsan, waxa uuna tacsi gaar ah u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka ciidamada Israa’iil ku qaadeen dhismaha kaniisada kutaalla Qasa.

“Naf kasta oo go’aday iyadoo aan waxba galabsan waa musiibo, waxaan murugada la qeybsaneynaa qoysaska  dadka ku dhintay kaniisada Qasa kutaalla” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil, ayaa caddeeyay in baaritaanno lagu sameenayo weerarka ka dhacay kaniisadda kutaalla magaalada Qasa, waxa uuna ballanqaaday in ay ilaalin doonaan dadka rayidka ah iyo sidoo kale goobaha cibaadada.

Weerarkan Israa’iil ka geesatay dhismaha kaniisatada kaatooliga ee Qasa , ayaa shalay oo Khamiis aheyd ka dhacday magaalada Qasa, waxaana dad badan layaab ku noqotay in Israa’iil ka naxdo geerida saddex qof oo kaniisad lagu dhax dilay, halka maalin kasta ay disho boqolaal Muslimiin shacab ah oon waxba galabsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles