Jowhar oo lagu qabtay munaasabadda furitaanka laanta Hay’adda NIRA ee Hirshabeelle

Caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa galabta lagu qabtay munaasabadda furitaanka laanta Hay’adda NIRA ee Dowladda Hirshabeelle.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Xeer-ilaaliyaha Guud, Duqa magaalada Jowhar iyo marti-sharaf kale.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima-cadde) ayaa tilmaamay laanta ay ka hirgeliyeen Hirshabeelle inay si weyn ugu adeegi doonto bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa goobta lagu guddoonsiiyey aqoonsiga rasmiga ee muwaadinimo.

“Aqoonsiga muwaadinimo qaadashadiisa waxa uu laf-dhabar u yahay adeeg walba oo aad u doonaneysaan xafiisyada Dowladda, waxaa lagama maarmaan ah inaad xilli hore qaadataan.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kula dardaarmay howlwadeennada NIRA ee Hirshabeelle inay si hufan ugu adeegan shacabka aqoonsiga u soo doonan doono.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles