Tuesday, January 13, 2026

Liverpool Oo Dharbaaxo Kala Kulantay Brighton Iyo Xiddig Muhiim Ah Oo Laga Dulqaaday.

Feyenoord ayaa xaqiijisay in 24 jirkaan heerka caalami ee dalka Netherlands laga iibiyay Seagulls “lacag rikoor ah” oo la rumeysan yahay inay dhan tahay €30 Milyan.

Wieffer ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo uu ku joogayo garoonka Amex Stadium ilaa June 2029 ka dib markii uu u safray England si uu u dhamaystiro tijaabada caafimaadka.

Brighton ayaa ku guulaysatay tartanka looga jiray saxiixa Wieffer inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in Liverpool ay aad u xiisenaysay Daafacan oo uu hadda maamulo tababarihii hore ee Feyenoord Arne Slot.

Wargayska Dutch-ka ee De Telegraaf ayaa sheegaya in Slot uu aad u doonayay in uu dib kula midoobo Wieffer garoonka Anfield.

Liverpool ayaa horraantii todobaadkan xiriir la samaysay ciyaaryahanka si ay ugala hadlaan suurtogalnimada uu ugu wareegi karo Merseyside-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Wieffer ayaa mar hore heshiis afka ah la gaaray Brighton, waxaana uu caddeeyay in qalbigiisa uu rabo u dhaqaaqista Seagulls, kaasoo la sheegay inuu muddo xiisaynayay ninka reer Holland.

Wieffer ayaa sidoo kale iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Atletico Madrid bishii Janaayo.

Ciyaaryahanka ayaa ku guuleystay horyaalka Eredivisie xagaagii uu Slot ku sugna Feyenoord ee 2022-23.

Wieffer wuxuu Feyenoord u saftay 79 kulan labo xilli ciyaareed, isagoo dhaliyay sagaal gool, wuxuuna caawiyay 11 gool.

Wieffer ayaa noqday saxiixii labaad ee Brighton xagaagan tan iyo markii la magacaabay tababaraha cusub ee Fabian Hurzeler ka dib 19 jirka weerarka Yankuba Minteh.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles