Thursday, February 13, 2025

WARBIXIN: Miyuu Soo Dhamaaday Waayihii Caalamiga Ee Cristiano Ronaldo Kadib Fashilkii Euro 2024.

Tababaraha Portugal Roberto Martinez ayaa ku adkeystay inay weli tahay xilli hore in Cristiano Ronaldo uu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa caalamiga ah ka dib markii Portugal ay ka hartay Euro 2024.

Kadib ku Guuleysigii Euro 2016kii ee Portugal , Ronaldo ayaa mar kale ka soo muuqday tartankan laakiin wuxuu arkay halgankiisii ​​gooldhalinta inuu kusoo dhamaaday garoonka Volksparkstadion.

39-jirka reer Portugal ayaa ku guuldareystay inuu Shito Jarmalka.

Ronaldo Waa tartankiisii ​​ugu horeeyay ee caalami ah oo uu ku guuldareystay inuu hal gool ka dhaliyo, waxaana uu horey u xaqiijiyay inuusan ciyaari doonin Euro kale.

Wali ma cadda in Ronaldo uu doonayo inuu sii wato ololaha soo socda ee Nations League iyo inuu boos ka diyaarsan karo Koobka Adduunka ee 2026 – wakhtigaas oo uu noqon doono 41.

laakiin Martinez Tababaraha Portugal ayaa si la fahmi karo loogu cadaadiyay inuu ka hadlo mustaqbalka Ronaldo.

Si kastaba ha ahaatee, Martinez ayaa diiday inuu bixiyo wax jawaab celin ah, isagoo u sheegay saxaafada: “Maya. Wax walba waa cayriin. Weli waxaan la dhibtooneynaa guuldarada. Ma jiraan go’aano gaar ah xilligan.”

Ronaldo ayaa la rumeysan yahay inuu aad u jecel yahay inuu ciyaaro Koobka Adduunka 2026 ka dib markii uu ka soo muuqday rikoor lix koob oo Yurub ah.

waxaana laga yaabaa inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee lab ah ee ciyaara lix koob adduun waa haddii lasoo xusho.

Ninka ay kubada ku xifaaltaman ee Lionel Messi ayaa hubaashii waxay u egtahay mid uu usii socdo inuu ciyaaro Koobka Adduunka ee soo socda ee lagu qaban doono Mareykanka.

Ciyaarista aan joogsiga lahayn ee Ronaldo ee isagoo 39 jir ah ayaa dadka qaar u arki karaan mid la yaab leh.

maadaama uusan ahayn midkii la yaqaanay ee ku guuleystay shanta jeer ee Ballon d’Or.

Xaqiiqdii Ronaldo maha kii beri intuu kubada garabka kala soo

gala , dhex mari jiray difaacyada.

Kabtanka Portugal ayaa weli Madadaalo ka helaya Saudi Arabia isaga oo la jooga Al-Nassr, mana ahan in uu dhawaan siibo kabaha naadigiisa, laakiin ma jirto wax faa’iido ah oo uu ka helayo ciyaaraha caalamiga ah.

Xitaa markii uu si liidata ugu ciyaarayay Euro oo uu lumiyay fursado badan, kuma aysan soo dhicin maskaxda Martinez inuu garoonka ka saaro.

Ciyaartoyda aan la qadarin sida Diogo Jota iyo Goncalo Ramos ayaa la xaddiday doorkooda ka qeyb qaadashada tartanka Euro Ronaldo dartiis.

Ronaldo koley waa gool dhaliyaha ugu sareeyo taariikhda Portugal, 130 gool ayuu u dhaliyay iyo 47 caawin 212 kulan oo uu saftay.

waxaana la jooga waqtigii uu fursad siin laha jiilka cusub.

WARARKII KALE

Real Madrid iyo Manchester City oo foodda is daraya kulamada bug baxa ee koobka horyaallada Yurub

Goor dhaweyd waxa lagu sameeyay magaalada Nyon ee dalka...

Weeraryahanka Darwin Nunez oo ku biiraya kooxda AC Milan

Darwin Núñez, weeraryahanka reer Uruguay ee Liverpool, ayaa laga...

Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaaray South Sudan

Xulka 17-jirrada Soomaaliya ayaa guul weyn ka gaaray tartanka...

Guardiola oo qirtay masuuliyada Guuldarooyinka Kooxdiisa

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa tilmaamay cadaadis xun...

Xulka Qaranka ee 17-jirada Somaliya oo guul ka gaaray ciyaar xiiso badan

Xulka Qaranka ee 17 jirada Soomaaliya ayaa guul ka...

Guardiola Oo Afar Saxiix Sameenaya Xilli Kevin de Bruyne Uu Ogolaaday U Dhaqaaqista Sacuudiga.

Sida wararku ay sheegayan Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa heshiis...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles