Liverpool Oo Dharbaaxo Kala Kulantay Brighton Iyo Xiddig Muhiim Ah Oo Laga Dulqaaday.

Feyenoord ayaa xaqiijisay in 24 jirkaan heerka caalami ee dalka Netherlands laga iibiyay Seagulls “lacag rikoor ah” oo la rumeysan yahay inay dhan tahay €30 Milyan.

Wieffer ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo uu ku joogayo garoonka Amex Stadium ilaa June 2029 ka dib markii uu u safray England si uu u dhamaystiro tijaabada caafimaadka.

Brighton ayaa ku guulaysatay tartanka looga jiray saxiixa Wieffer inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in Liverpool ay aad u xiisenaysay Daafacan oo uu hadda maamulo tababarihii hore ee Feyenoord Arne Slot.

Wargayska Dutch-ka ee De Telegraaf ayaa sheegaya in Slot uu aad u doonayay in uu dib kula midoobo Wieffer garoonka Anfield.

Liverpool ayaa horraantii todobaadkan xiriir la samaysay ciyaaryahanka si ay ugala hadlaan suurtogalnimada uu ugu wareegi karo Merseyside-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Wieffer ayaa mar hore heshiis afka ah la gaaray Brighton, waxaana uu caddeeyay in qalbigiisa uu rabo u dhaqaaqista Seagulls, kaasoo la sheegay inuu muddo xiisaynayay ninka reer Holland.

Wieffer ayaa sidoo kale iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Atletico Madrid bishii Janaayo.

Ciyaaryahanka ayaa ku guuleystay horyaalka Eredivisie xagaagii uu Slot ku sugna Feyenoord ee 2022-23.

Wieffer wuxuu Feyenoord u saftay 79 kulan labo xilli ciyaareed, isagoo dhaliyay sagaal gool, wuxuuna caawiyay 11 gool.

Wieffer ayaa noqday saxiixii labaad ee Brighton xagaagan tan iyo markii la magacaabay tababaraha cusub ee Fabian Hurzeler ka dib 19 jirka weerarka Yankuba Minteh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles