Sida wararku ay sheegayan Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ka dhisan Sacuudiga ee Al-Itixaad, kuwaaso haatan kala xaajoon doona Man City qiimo lacageed lagu iibsan karo.
De Bruyne kaliya 12 bilood ayaa uga haray qandaraaskiisa Etihad, Pep Guardiola ayaana doonaya inuu haatan iibiyo halkii uu beeca xorta ah ku waayi lahaa.
Kubad sameeyuhu waxa uu u muuqday in uu isu diyaarinayay bixitaan in muddo ah, laakin Pep Guardiola ayaa maskaxda ku haaya dhawr bedel oo suurtagal ah.
Xiddiga Benfica Joao Neves ayaa ah mid ka mid ah dookhyada Man City.
19 jirkan ayaa loo arkaa mid ka mid ah da’yarta khadka dhexe ee ugu xiisaha badan Yurub, waxaana si weyn loola xiriirinayaa Manchester United.
Agaasimaha cusub ee ciyaaraha Red Devils Dan Ashworth ayaa loo xilsaaray iibinta Casemiro, Neves ayaana ka mid ah bartilmaameedyada ugu sareeya ee uu ku bedelayo ciyaaryahankii hore ee Real Madrid, sida ay wararku sheegayaan.
Man City ayaa ku biiri doonta tartanka loogu jiro Neves hadii De Bruyne la iibiyo, ilo wareedyo ayaana sheegaya in dagaalka ay Man Utd kula jirto helitaanoa da’yarka uu noqon karo mid adag.
Neves ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 105 milyan oo ginni, inkastoo Benfica ay si buuxda u dalbaneyso, taasoo ka dhigi doonta wada xaajood ” adag”.
Man City ayaa sidoo kale isha ku heysa xaalada xiddiga reer Holland Xavi Simons, kaasoo Bayern Munich ay hogaamineyso loolanka loogu jiro balse wali ma jiro wax heshiis dhameystiran.
21 jirka PSG ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaatay xilli ciyaareedkii hore xilli uu amaah kula joogay kooxda RB Leipzig isaga oo dhaliyay 10 gool waxana uu sameeyay 15 caawin 43 kulan oo uu saftay.
PSG waxay u furan tahay inay Simons ku iibiso qiimo sax ah, Bayern ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis shaqsi ah la gaartay, laakiin qiimaha ayaa wali lagu heshiinin.
Man City ayaa sidoo kale muddo dheer la dhacsanayd xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz, kaasoo ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu muhiimsanaa Xabi Alonso ololahoodii wacnaa ee 2023/24.
Wirtz waxa uu dhaliyay 18 gool waxana uu sameeyay 20 caawin xilli ciyaareedkii hore isaga oo 21 jir ah waxaana la filayaa in uu horumar sameeyo, inkastoo ay u badan tahay inuu sii joogi doono Leverkusen xilli ciyaareed kale.
Ugu dambeyntiina, wiilka dahabiga ah ee Bayern Munich Jamal Musiala ayaa sidoo kale ka mid ciyaaryahanada ay City Dooneyso.
Musiala wuxuuuu ahaa mid cajiib ah Euro 2024, isagoo dhaliyay seddex gool.
21 jirkaan ayaa dhaliyay 12 gool wuxuuna sameeyay sideed caawin xilli ciyaareedkii hore ee Bayern, waxaana la fahamsanyahay in mustaqbalkiisu uu ku xirnaan karo haddii Simons uu ku biiro kooxda Jarmalka.
Musiala ayaa labo sano uga harsan tahay qandaraaskiisa, waxaana haatan hakad ku jira wadahadaladii ku saabsana cusbooneysiinta, sidaas darteed Bayern ayaa u furan inay ku iibiso lacag qaali ah xagaagan.
Da’yarka ayaa loo arkaa inuu yahay ‘kan ugu fiican’ ee Man City ku bedeli karta De Bruyne, laakiin xaqiijinta heshiisku aad ayay ugu fogaan doontaa.