Monday, September 1, 2025

NISA oo Burburisay Kayd Qaraxyo oo AS ay Ku lahaayeen G/Sh/Hoose

Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa shaaca ka qaaday in cutubka gaarka ah ee Gaashaan uu xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay xarun ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay kaydinta waxyaabaha qarxa.

War-saxaafadeed rasmi ah oo NISA soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu saleynayay xog sirdoon oo la xaqiijiyay, taasoo muujisay in xaruntaas laga diyaarinayay weerarro halis ah oo lagu beegsan lahaa shacabka Soomaaliyeed.

โ€œGoobta waxaa Khawaarijtu u adeegsanayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa ee lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

NISA waxay xaqiijisay in howlgalka lagu burburiyay xarunta si buuxda, islamarkaana uusan jirin wax khasaare rayid ah, taasoo muujinaysa sida ciidanku u fuliyeen hawlgalkan si xirfadeysan oo looga hortagayo shirqool weyn.

Tani waa markii labaad oo dhowaanahan lagu beegsado deegaanka Dhanaane. Bishii Juun 3-deedii, cutubka Gaashaan ayaa isla deegaankaas ka fuliyay howlgal kale oo lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo la sheegay inuu masโ€™uul ka ahaa hawlgallada kooxda ee Dhanaane, Jilib Marka, iyo Gandarshe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii xoojineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga howlgalayo qeybo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaan Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah..

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles