Booliska Puntland oo qabtay askari weerar ku qaaday askar kale

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in gacanta lagu soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasi oo lagu eedeeyay in uu 24-ka Luulyo 2025 weerar toos ah ku qaaday ciidamo boolis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda shaqo. Weerarka ayaa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe,

Ciidamada Booliska Qaybta Gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta G/Sare Maxamed Cali Axmed, ayaa si degdeg ah uga falceliyay, waxaana ay ku guuleysteen in eedeysanaha lasoo qabto muddo kooban gudaheed, kadib howlgallo baaritaan oo laga sameeyay magaalada.

Booliska Puntland wuxuu caddeynayaa in eedeysanaha haatan ku sugan yahay xabsi dhexe, iyadoo loo gudbin doono hay’adaha cadaaladda si uu u maro hannaanka sharciga ah ee dawladda Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta, difaaca ciidamada ka howlgala wadooyinka, iyo in si degdeg ah loo qabto cid kasta oo ku kacda falal amni-darro ah.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles