Al-shabaab oo saaka weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Sabiid

Mal4eshiyaadka Al-Shabaab ayaa waaberigii saaka weerar culus oo qaraxyo ku billaawday ku qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS (AUSSOM) ee ku yaalla deegaanka Sabiid, oo hoos taga degmada Afgooye.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu ku billaawday qaraxyo waaweyn, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyada ciidanka, waxaana markiiba xigay dagaal fool-ka-fool ah oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidamada difaacayay xarumaha la weeraray.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Sabiid ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay sameeyeen iska caabin adag, waxaana wali laga maqlayaa rasaas goos goos ah iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda halkaasi.

Inkasta oo aan la haynin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha, haddana wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka kala gaaray dhinacyada, iyadoo sidoo kale la sheegay in weerarka uu sababay cabsi iyo kala carar dadka deegaanka ah.

Degaanka Sabiid ayaa kamid ah meelaha istaraatiijiga ah ee ku yaalla duleedka Afgooye, waxaana saldhigyada halkaasi ku yaalla muddooyinkii u dambeeyay lagu xoojinayay si looga hortago weerarada Al-Shabaab. Hase yeeshee weerarkan ayaa muujinaya in kooxda Al-Shabaab ay wali awood u leedahay in ay fuliyaan weeraro qorsheysan oo ku wajahan xarumaha ciidamada.

Ilaa iyo hadda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo ATMIS (AUSSOM) kama aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan weerarkan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles