Al-shabaab oo saaka weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Sabiid

Mal4eshiyaadka Al-Shabaab ayaa waaberigii saaka weerar culus oo qaraxyo ku billaawday ku qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS (AUSSOM) ee ku yaalla deegaanka Sabiid, oo hoos taga degmada Afgooye.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu ku billaawday qaraxyo waaweyn, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyada ciidanka, waxaana markiiba xigay dagaal fool-ka-fool ah oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidamada difaacayay xarumaha la weeraray.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Sabiid ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay sameeyeen iska caabin adag, waxaana wali laga maqlayaa rasaas goos goos ah iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda halkaasi.

Inkasta oo aan la haynin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha, haddana wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka kala gaaray dhinacyada, iyadoo sidoo kale la sheegay in weerarka uu sababay cabsi iyo kala carar dadka deegaanka ah.

Degaanka Sabiid ayaa kamid ah meelaha istaraatiijiga ah ee ku yaalla duleedka Afgooye, waxaana saldhigyada halkaasi ku yaalla muddooyinkii u dambeeyay lagu xoojinayay si looga hortago weerarada Al-Shabaab. Hase yeeshee weerarkan ayaa muujinaya in kooxda Al-Shabaab ay wali awood u leedahay in ay fuliyaan weeraro qorsheysan oo ku wajahan xarumaha ciidamada.

Ilaa iyo hadda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo ATMIS (AUSSOM) kama aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan weerarkan.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles