Booliska Puntland oo qabtay askari weerar ku qaaday askar kale

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in gacanta lagu soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasi oo lagu eedeeyay in uu 24-ka Luulyo 2025 weerar toos ah ku qaaday ciidamo boolis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda shaqo. Weerarka ayaa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe,

Ciidamada Booliska Qaybta Gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta G/Sare Maxamed Cali Axmed, ayaa si degdeg ah uga falceliyay, waxaana ay ku guuleysteen in eedeysanaha lasoo qabto muddo kooban gudaheed, kadib howlgallo baaritaan oo laga sameeyay magaalada.

Booliska Puntland wuxuu caddeynayaa in eedeysanaha haatan ku sugan yahay xabsi dhexe, iyadoo loo gudbin doono hay’adaha cadaaladda si uu u maro hannaanka sharciga ah ee dawladda Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta, difaaca ciidamada ka howlgala wadooyinka, iyo in si degdeg ah loo qabto cid kasta oo ku kacda falal amni-darro ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles