Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Go’aanka Faransiiska ee Aqoonsiga Dowladda Falastiin

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika,Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si diirran u soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ku dhawaaqay inuu damacsan yahay inuu si rasmi ah u aqoonsado Dowladda Falastiin.

Go’aankan, ayuu Guddoomiyuhu sheegay, wuxuu waafaqsan yahay mowqifka taariikhiga ah ee Midowga Afrika, oo mar kale lagu adkeeyay intii lagu jiray Kalfadhigii 38aad ee Golaha Midowga Afrika ee qabsoomay 15–16 February 2025, magaalada Addis Ababa. Fadhigaas ayaa lagu muujiyay sida Afrika uga go’an tahay xaqa aan laga laaban karin ee dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin ismaamul iyo dowladnimo madax-bannaan.

Guddoomiye Youssouf wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid muhiim ah oo dhanka xalka  waara, oo dhameystiran ee khilaafka Falastiin iyo Israa’iil, iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, wuxuu mar kale xusay in Midowga Afrika ay si buuxda u taageersan tahay aragtida labo-dowladood oo Israa’iil iyo Falastiin ay si nabad ah iyo amni ugu wada noolaadaan. Wuxuu ugu baaqay dalalka kale inay qaataan go’aanno lamid ah si loo garab istaago rabitaanka sharciga ah ee shacabka Falastiin.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles