Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay Iran

Weerar bambaano loo adeegsaday iyo mid toos ah ayaa lagu qaaday maanta dhisme maxkamadeed oo ku yaalla gobolka Sistan-Baluchestan ee koonfur-bari Iran, waxaana weerarka kaddib tallaabo deg deg ah qaaday ciidamada amaanka ee dalka Iran.

Warbaahinta dalka Iran , ayaa tabisay in weerarkan bambaano ee maanta lagu qaaday maxkamadda uu sababay geerida shan qof iyo dhaawaca 13 qof oo kale, waxaana dadka dhaawacyada soo gaareen qaarkood la sheegay in dhaawacyo culus qabaan.

Ciidamada amaanka dowladda Iran , ayaa weerarka kaddib la sheegay in ay toogteen saddex nin oo ahaa ragii weerarka fuliyay, waxaana durba masuuliyadda weerarkan sheegatay kooxda sunniga ah ee Jaish al-Adli, oo sheegtay in weerarka u geesteen caddaalad darro iyo dulmi lagu hayo bulshada sunniga ah.

Kooxo Islaamiyiin sunni ah ayaa ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Iran, kuwaa oo ka cabanaya dhibaatooyin iyo dulmi si gaar ah bulshadooda loogu hayo, waxa ayna dowladda Iran cadaadis xooggan saartaa dadka aan shiicada aheyd ee kunool dalkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles