Thursday, June 25, 2026

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay Iran

Weerar bambaano loo adeegsaday iyo mid toos ah ayaa lagu qaaday maanta dhisme maxkamadeed oo ku yaalla gobolka Sistan-Baluchestan ee koonfur-bari Iran, waxaana weerarka kaddib tallaabo deg deg ah qaaday ciidamada amaanka ee dalka Iran.

Warbaahinta dalka Iran , ayaa tabisay in weerarkan bambaano ee maanta lagu qaaday maxkamadda uu sababay geerida shan qof iyo dhaawaca 13 qof oo kale, waxaana dadka dhaawacyada soo gaareen qaarkood la sheegay in dhaawacyo culus qabaan.

Ciidamada amaanka dowladda Iran , ayaa weerarka kaddib la sheegay in ay toogteen saddex nin oo ahaa ragii weerarka fuliyay, waxaana durba masuuliyadda weerarkan sheegatay kooxda sunniga ah ee Jaish al-Adli, oo sheegtay in weerarka u geesteen caddaalad darro iyo dulmi lagu hayo bulshada sunniga ah.

Kooxo Islaamiyiin sunni ah ayaa ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Iran, kuwaa oo ka cabanaya dhibaatooyin iyo dulmi si gaar ah bulshadooda loogu hayo, waxa ayna dowladda Iran cadaadis xooggan saartaa dadka aan shiicada aheyd ee kunool dalkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles